Booliiska Somaliland oo xiray 9 nin oo u dhalatay Imaaraatka iyo Sababta keenay (Sawirro)

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa waxa ay ku xireen 9-nin oo dhalatay dalka Imaaraatka Carabta, kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaano katirsan Somaliland.

Ragan lagu xiray magaalada Hargeysa ee u dhashay dalka Imaaraatka ayaa lagu eedeeyay in ay ahaayeen ugaarsato si sharci daro ah uga ugaarsaneysay deegaano katirsan maamulka Somaliland.

Agaasimaha Duur joogta ee Wasaaradda Deegaanka Soomaaliland Naasir Xuseen ayaa  xaqiijiyey xariga 9-ka Nin ee u dhashay Imaaraadka ee sida sharci darrada ah uga ugaarsanayey deegaano ka tirsan Soomaaliland.

Waxa uu sheegay Agaasime Naasir in ragan la xiray lagu sameyn doono baaritaano lana marsiin doono sharciga hadii lagu helo dambiga loo heesto ee ah in si sharci daro ah uga ugaarsanayeen deegaanada Somaliland.

Deegaanada Somaliland waxaa si joogto ah u taga dad ajaaniib ah oo kasoo jeeda wadamo kala duwan, waxaana marar badan deegaanada Somalilamnd lagu xiray lagana eryayay dad ajanaiib ah oo dambiyo kala duwan lagu eedeeyay.

- Advertisement -