Al Shabaab oo gubtay Guryo iyo Ceel ku yaalay deegaan katirsan Gobolka Hiiraan

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa dab qabadsiiyay guryo iyo ceel biyood ku yaalay deegaanka Ceel-jiqoow oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dabley hubeesan oo katirsan Al Shabaab deegaanka yimaadeen, kuwaa oo dadka shacabka ah ku amray in guryaha bannaanka uga soo baxaan, kaddibna dab qabadsiiyay guryihii halkaasi ku yaalay.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in ay qarxiyeen halkii ceel biyood ee ku yaallay deegaankaasi dadkuna biyaha ka cabayeen, waxaana dadkii kunoolaa deegaanka Ceel-jiqoow lasoo darsay xaalad biyo la’aan iyo guryo la’aan ah.

“Wallaaloow anaga oo guryaheena iska joogna ayay Al-Shabaab nagu amreen inaan isaga axno, markii aan ka tagnayna waa ay gubeen, ceelkii Biyaha aan ka cabi jirnayna qaraxyo ayay ku burburiyeen, mana qaano waxa aan ka galabsanay” ayuu yiri Mid kamid ah dadka degaanka Ceel-jiqoow

Al Shabaab ayaa sidan oo kale horey u gubay guryo badan iyo ceelal biyoodyo ku yaallay deegaano katirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, deegaanadaasi ayaana waxaa kunoolaa dad kasoo jeeda qabiilo hubka u qaatay in Al Shabaab la dagaalamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -