Duqa Muqdisho oo sheegay in ay qabteen Dukumiintiyo been abuur ah iyo dadkii watay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho  C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in ay qabteen Dukumiintiyo dhulal oo been abuur ah iyo dadkii watay.

Waxa uu sheegay Duqa Muqdisho in ay gacanta ku dhigeen dad Suuqa Cabdulle Shideeyaha kasoo sameestay dukumiintiyo dhul oo been abuur ah kuwaa uu sheegay in ay dad kale ku qabsanayaan dhul ay leeyihiin.

Gudoomiye Yariisow ayaa xusay dadka ay qabteen iyo Dukumiintiyada been abuurka ah ay ku wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta si loo horgeeyo sharciga laguna qaado dambiga ay galeen.

Waxa uu ugu baaqay laamaha garsoorka dalka in tilaabo adag ka qaadaan dadka ku qaraabta dukumiintiyada been abuurka kuna qabsada dhulalkooda dad heesta dukumiintiyo sax ah .

Magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayay mudooyinkan dambe dad sameesta Dukumiintiyo been abuur ah kuwaa oo Maxkamadaha laaluush siiya si ay ugu xukmiyaan dhul aysan laheyn balse Dukumiintiyo been abuur ah u soosameesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -