Roobab Khasaare kala duwan geystay oo ka socda Muqdisho & gobolada dalka qaarkood

Roobab aad u xoogan ayaa in ka badan 24 saacadood ka da’aya magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda kuwaasoo ah kuwa xiligii deyrta oo aalaaba bilowda sanad kasta marka la soo gaaro bilahan oo kale.

Roobabkan oo marna xoogeysanaya marna qaboobaya ayaa saameyn adag ku yeeshay socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Muqdisho oo intiisa badan uu ku yimid hakad, waxaana wadooyinka laamiga ah iyo xaafadaha khul-khulaya daadad waaweyn oo ka sameysmay roobabka da’aya, iyadoo jidadka qaarna ay xirmeen.

Roobabka ayaa bilowday shalay duhurkii, iyagoo si goos goos ah u da’ayey illaa xalay, waxayna sii xoogeysteen galabta oo roobabkii ugu weynaa ay weli ka socdaan magaalada.

Shacabka magaalada Muqdisho oo maalmahan dareemayey kuleyl fara badan oo habeen iyo maalin ah ayaa si weyn u soo dhoweeeyey.

Dhinaca kale, roobabkan ayaa saameyn adag ku yeeshay xeryaha ay ku nool yihiin barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho, kuwaasoo asan heysan hoy wanaagsan oo ay ka dugsadaan roobka iyo qabowga dhaxanta socota.

Qaar ka mid ah xeryaha barakacyaasha ayaa waxaa la soo sheegayaa iney gudaha u galeen daadad ka soo rogmaday roobka, kuwaasoo qaaday guryo ka sameysan Baco, ulo booc ah iyo cooshado markii horeba aan adkeysi badan u laheyn dhibicda roobka kuwaasoo ay ku noolaayeen qoysas u badan haween iyo caruur, taasoo ay dheer tahay duruufo nololeed oo dadkaas heysta.

Dhinaca kale Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa sheegaya in daaddad xoog leh ay ku soo rogmadeen magaalada Garbahaareey kadib markii roobab maahigaan ah ay ka da’een afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Daaddad ka soo rogmaday togga kala qeybiya magaalada ayaa la tagay saddex qof inkastoo labo kamid ah la soo badbaadiyay haddana wali waxa la la’ yahay ruux kale sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Daaddadkan ugu dambeeyay ayaa kala qaybiyay magaalada iyadoo qoysaska dadka gudaha ku barakacay ay ku go’doon sanyihiin xaafaddaha galbeed ee Garbahaareey.

Sidoo kale, Guddoomiyaha deegaanka Gumbax ee gobolka Bari Cismaan Maxamed Balli oo la hadlay warbaahinta degaanada Puntland ayaa sheegay in degaankaasi iyo guud ahaan deegaanada u dhaw ay ka jirto xaalad go’doon ah, kadib markii roobab mahiigaana oo ka da’ayey maalmihii la soo dhaafay ay gooyeen waddooyinkii halbowlaha u ahaa, isu-socodka gaadiidka, dadka iyo duunyada.

Heyadaha saadaasha hawada ayaa ka digaya roobab xoog badan oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalooyin ku teedsan xeebaha Somalia oo ay ku jirto caasimada iyo kuwa kale oo ku yaalla gudaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -