Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Zelensky oo booqday Magaalo ay xasuuq ka geysteen ciidanka Ruushka

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay si deg deg ah u bilaabi doonto hanaan baaritaan ah si caddaaladda loo horkeeno ciidamada Ruushka oo lagu eedeeyay inay galeen dambiyada dagaal.

Waxaa uu sheegay in dagaalka uu horseeday dhibaatooyin iyo waxyaabo wanaag ah kadib markii ay soo baxeen caddeymaha xaadgudubyada ay ciidamada Ruushka u geysteen shacabka Ukraine markii ay isaga baxeen magaalooyinka u dhaw caasimadda Kiev, isaga oo eedeyn u jeedinayay Ruushka.

Zelensky wuxuu dhaleeceeyay reer galbeedka oo uu sheegay in wax go’aan ah aanay kasoo saarin arrintan.

Ku xigeenka duqa magaalada Bucha, Taras Shapravskyi, ayaa sheegay in 50 ka mid ah dadka dhintay ee la helay ka dib markii ciidamada Ruushka ay ka baxeen magaalada dabayaaqadii todobaadkii hore, ay ahaayeen dhibanayaal loo geystay dilal ka baxsan sharciga oo ay fuliyeen ciidamada Ruushka, waxaana saraakiishu ay Moscow ku eedeeyeen dambiyo dagaal.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay maanta oo Axad ah ku sheegtay in dhammaan sawirrada iyo muuqaallada ay daabaceen maamulka Ukraine ee ku andacoonaya ‘dambiyada’ ay ciidammada Ruushku ka geysteen Bucha ay ahaayeen “daandaansi”, mana jiro qof deggan Bucha oo ay dhibaato kala kulmeen ciidammada Ruushka.

 

https://www.youtube.com/watch?v=C7HqZlLNE2s

Related posts

War-Murtiyeed: Shirkii Golaha wada tashiga Qaran

Caydiid Ali

Faahfaahin laga bixiyey dagaalo Al-shabaab iyo Daacish ku dhexmaray gobolka Bari

Caydiid Ali

70 Askar Mareykan & Israailiyiin ah oo lagu dilay Yemen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---