Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Muqdisho oo soo dumay & gurmad loo sameeyey (Sawirro)

Iyadoo roobab xoogan ay weli ka da’ayaan magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa isa soo taraya khasaaraha naf iyo maalnba leh ee roobabkaas ay sababeen.

Dhisme ku yaalla xaafada Yuusuf Alkowneen ee degmada Boondhere ayay roobabku soo dumiyeen galabta waxaa lagu guuleystay dedaal dheer ka dib badbaadinta laba ruux oo ku hoos jiray burburka, kuwaasoo la soo saaray iyagoo dhaawacyo qaba.

Shacabka degaanka iyo waaxda gurmadka deg deg ah ee gobolka Banaadir ayaa u gurmaday dadka uu ku soo dumay gurigaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa goob joog ka ahaa xiliga lagu mashquulsanaa badbaadinta dadka danta yar ee uu dhismaha kusoo dumay.

Roobab bilowday 24 saac ka hor ayaa weli ka da’aya magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda, kuwaasoo sii xoogeystay galabta illaa caawana socda iyagoo saameyn kala duwan ku yeeshay dhaqdhaqaaqa caasimada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -