Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Masaari ah oo sabab yaab leh loogu xiray Waddanka Sacuudiga (Sawirro+Video)

Nin u dhashay dalka Masar oo ka howlgalayay maqaahi ku taalla dalka Sucuudiga ayaa la xiray kaddib markii la arkay isagoo maqaahidda dhexdeeda kula cunteynayay haweeney xijaaban oo Sucuudiga u dhalatay, sida ay sheegtay wasaaradda shaqaalaha Sucuudiga.

Muuqaal si wayn baraha bulshada loogu baahiyay ayaa muujinaya ninka iyo haweeneyda oo maqaahidda wada fadhiya oo cunteynaya.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda shaqaalaha Sucuudiga ayaa lagu sheegay in koox gaar ah loo diray hotelka oo ku yaalla galbeedka magaalada Maka isla markaasna ay soo xireen ninka Masaarida ahaa oo ay sheegeen inuu xadgudub ka gaystay.

Waxaana ninkani lagu eedeeyay inuu ka shaqaynayay xirfad ay ku kooban yihiin inay ka shaqeeyaan haweenka dalkaasi.

Bayaanka ayaa sidoo lagu sheegay in milkiilihii maqaaxidda loo yeeray si su’aallo arrintani ku aadan wax looga weyddiyo, waxaa lagu eedeeyay inuu ku guuldaraystay inuu u hoggaansamo xeerka ah in maqaaxidda ay ka shaqeeyaan oo kaliya ah haweenka.

Xeerka dowladda Sucuudiga ayaa dhigaya in goobaha gaarka ah in haweenka iyo ragga aysan ka wada shaqaynin.

https://www.youtube.com/watch?v=BWMZ72b4NiE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiga uu Hogaamiyo Xasan Sheekh oo soo saaray War Saxaafadeed Xasaasi ah (Akhriso)

Cabdi Cade

Afar Waxyaabood oo laga baran karo bannaan-baxyadii ardayda ee Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade

Booliiska oo Shaaciyay cida Masuulka ka ah Falalka amni darro ee Muqdisho kusoo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---