Kobaca iyo horumarka dhaqanka Kafee cabista ee magaalada Muqdisho

Waxaa dunida aad ugu badan dadka subixi hore marki ay soo kacaan ama ay shaqo galayaan caba koob kulul oo coffee ah. Waxaanu leenahay dhaqan soo jireen oo ah subixii in guryaha iyo maqaayada laga sameeyo qaxwo balse hada waxa magalaada Muqdishu ka hirgalay maqaayado casri ah oo  lagu iibiyo kafeega iyo cuntooyin kale oo leh dhadhan sare.

Maqaayadaha lagu iibiyo Kafeega waa kuwu aad loo naqshadeyay, soo jiidasho iyo jawi degan leh kaliya looma tago in lagu cabo kafeega ee waa meel ay dhalinyarada iyo qoysasku u sheeko tagaan sidoo kale looga hadlo arimo ganacsi, waa goobo ku haboon nasasho qaarkood ayaana leh internet free ah. Markii aad soo gasho gudaha maqayada waxa heleysa soo dhaweyn diiran, fadhi kadibna buuga dalabaadka (Menu) Intabadan dalabka ayaa noqda Cappuccino, Caffe Macchiato, Espresso, Black Coffe,e Café Latte, Café Americano, Iced Cappuccin,o Iyo Ristretto.

.Maanta, kafeega waxaa lagu beeraa in ka badan 70 waddan oo kuleyl ah (Tropical countries), waxaana laga helaa meel walba, waana badeecada labaad ee ugu dhoofinta badan adduunka marka laga reebo saliidda. Wadamada ugu horeeya ee soo saara kafeega adduunka oo dhan waa Brazil, Vietnam, iyo Colombia. Wadama ugu isticmaalka badan waa Finland, Noraway, Iceland, Denmark iyo Netherland. Marka la iibsanayo kafeega, dadku guud ahaan waxay eegaan saddex: Qiimaha, dhadhanka, iyo kan saddexaad, oo inta badan saameeya doorashooyinka macaamiisha waa sumadaha.(Brand), shirkadaha ugu caansan ee iibiya kafeega waxa ka mid ah  Starbucks, Dunkin’ Doughnuts, Costa Coffee iyo McCafé

Goobaha kafeega ayaa u noqonaya dhaqdhaqaaq dhaqaale oo muhiim ah marka loo eego dakhli abuurista, shaqo abuurka, iyo dakhliga cashuuraha, Dad aad iyo aad u tiro badan ayaa dakhligooda ku kharash gareeya kafateeriyada iyo makhaayadaha cusub ee magaalada, kor u kaca isticmaalka kafeega ayaa kaalin mug leh ka qaadanaya  Kobaca dhaqaalaha ee dalka, ganacsiga kafeega wuxuu leeyahay suuq aad u weyn, waqti ka dib wuu sii kordhaya.

By: Yusuf Sodal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -