Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland oo lagu doortay Garawe

Baarlamaanka maamulka Puntland, ayaa goordhaw magaalada Garawe waxa ay ku doorteen Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulkaasi, kadib markii dhawaan xilka laga qaaday Gudoomiyihii Baatlamaanka Dhoobo Daareed.

Doorashada oo ka dhacay hoolka Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ku tartamay Saddex musharax oo kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) iyo Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Wareega koowaad oo codeynta ayaa waxaa u soo gudbay musharixiinta kala ahaa Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 34 Cod iyo Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo isna  helay 17.

Ugu Dambeyn waxaa doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ku guuleestay Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil oo helay 46 Cod halka Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed  uu helay 17 Cod.

Guddiga doorashada ayaana ku dhawaaqay in Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland uu ku guuleestay Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yuusuf Jibriil, waxaana Gudoomiyaha badelayaa Gudoomiyihii dhawaan xilka laga tuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -