Dal kuyaala Yurub oo hal maalin kaliya cudurka Caronavirus ugu dhinteen dad ku dhaw kun qof

Cudurka Caronavirus ayaa kusii faafaya qaar kamid ah wadamada Yurub kuwaa oo hada safka hore ugu jira faafitaanka iyo dhimadhada uu sababayo cudurkan asalkiisa kasoo bilowday dalka Shiinaha.

Dalka Spain ayaa hada noqday dalka labaad ee laga helay kiisaska ugu badan ee cudurka Caronavirus, waxaa sidoo kale sii kordhaya tirada dadka gudaha Spain ugu geeriyoonaya cudurka Caronavirus.

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Spain ayaa oo maanta Sabti ah shaacisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalkaasi cudurka Caronavirus ugu geeriyoodeen dad gaaraya 809 qof oo maalmihii lasoo dhaafay la il darnaa Caronavirus.

Waxa ay sidoo kale wasaarada caafimaadka Spain sheegtay in tirada kiisaska COVID19 ay gaartay 124,736 kiis, waxa ayna Spain hada noqotay dalka labaad ee laga helay kiisaska ugu badan ee Caronavirus waxaana hada kaliya ka badan dalka Mareykanka.

Dalka Mareykanka ayaa hada ah dalka ugu badan ee laga helay kiisaska Caronavirus, waxaana Mareykanka laga diiwaan galiyay  273,000 kiis oo Caronavirus, waxaana tirada dadka Mareykanka ugu dhintay cudurkaan ay dhaaftay 7-Kun oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -