Tuulo raga doonaya guur lagu soo rogay Canshuur iyo Caqabad ka dhalatay !!

Tuulo kutaala dalka Nageria ayaa raga kunool lagu soo rogay in ay bixiyaan canshuur marka ay doonayaan in ay guursadaan, waxa ayna taasi dhalisay in rag badan ku adkaato in ay guursadaan.

Caaqilka Tuulo ka tirsan gobolka Kano ee dalka Nageria ayaa raga doonaya in ay guursadaan haweenka tuulada kusoo rogay in marka hore bixiyaan lacag canshuur ah oo gaareysa 377 dollar.

Ado Saciid, oo ah caaqilka ama madaxa tuulada Kera ee gobolka Kanu ayaa sidoo kale meesha ka saaray hadiyado raga guursada ay siin jireen qoyska gabadha, hadiyadahaasi ayaana waxaa kamid ahaa alaabta guryaha ,maacuun iyo alaabo kale.

Caaqilka oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in canshuurta uu raga guursanaya kusoo rogay ay ka jaban tahay hadiyadaha ay siiyaan qoysaska gabdhaha ay ka guursadaan.

Waxa uu sheegay in ujeedka uu canshuurta usoo rogay meeshana uga saaray hadiyadaha ay tahay  sidii guurka looga dhigi lahaa mid ay dhalinyaradu awoodaan, hasa ahaatee waxaa taasi kasoo horjeeda dadka tuulada oo canshuurta caqabad u arka.

Dadka tuulada Kera ayaa aaminsan in canshuurta ay noqotay caqabad cusub oo kusoo korortay raga guur doonka ah, waxa ayna tilmaameen in hadiyadaha ay ka sahlan tahay canshuurta hada lasoo rogay.

Guurkii ka dhici jiray tuuladan ayaana la sheegay in afartii bilood ee lasoo dhaafay uu ku jiray hakad kadib markii dhalinyarada ku adkaatay bixinta lacagta canshuurta, waxaana taa badalkeeda dhalinyarada qaar isku soo guursadaan deegaano kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -