Facebook oo shaacisay War ka nixiyey malaayiin ka mid ah Macaamiisheeda

Shirkadda Facebook ayaa shaacisay dad ku dhow 50 milyan qof oo adeegsada barta ugu weyn xiriirka bulshada ee Facebook xogtooda la jabsaday, kadib cillado farsamo oo shabakadda ku timid.

Shirkaddu waxay sheegtay in dadka xogtaa jabsaday ee weerarka ku qaaday Facebook ay ka faa’iidaysteen iyadoo aysan awood badan lahayn aalladda ilaalada ee loo yaqaan”View As” taas oo u sahashay inay jabsadaan xogta dadka ka mid ahaa macaamiisha Facebook.

Dadka adeegsada shabakaddan ee ay suurto galka tahay in ay arintani saamaysay ayaa isla markiiba Jimcihii lagu wargeliyey in ay xiraan bogaggooga oo hadana dib u furaan, si looga hortago adeegsiga xogtooda.

Cilladii farsamo ee arrintan sababtay ayuu sheegay Facebook in hadda la xaliyey, waxana sidaasi lagu sheegay qoraal uu soo saaray madaxa waaxda ilaalada xogta ee shirkadda Faceebook, oo intaas ku daray in bogagga dadka arintaasi saameysay dhamaantood la adkeeyey ilaalintooda iyadoo sare qaaday “talaabooyin ka hor tag ah” oo lagu daryeelay 40 milyan oo bog oo kale.

Facebook, oo sicirka saamiyadeedu hoos u dhaceen in ka badan 3% maalintii Jimcihii, ayaa waxaa si joogto ah u adeegsada shabakadaasi dad gaara laba bilyan, waana tan ugu weyn caalamka.

Shirkaddu waxay sheegtay in aanay qasab kugu ahayn inaad bedesho erayada sirta ah ee Passwordka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -