Daawo Sawirada: Siyaasadda Qaran ee Qaxootiga soo Guryo-noqonaya oo la ansixiyay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada.

Golaha ayaa ansixiyay siyaasadda qaran ee qaxootiga soo guyo-noqonaya iyo barakacayaasha, xeer Nidaamiyaha qaran ee ka Saaridda dadka hoyga ama dhulka ay degganyihiin iyo baratakoolka ku Meel-gaarka ee qeybinta dhul hoy u noqda dadka muteysta ee qaxootiga Soo Guryo-noqonaya.

Shirka golaha Wasiirada ayaa sidoo kale looga hadlay billaabidda wajiga labaad gurmadka fatahaada oo ka kooban, amniga guud ee dalka iyo howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -