Xukuno dil iyo Xabsi daa’in ah oo lagu riday rag dilal ka geestay Muqdisho

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi daa’in waxa ay ku riday afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in xubno ka ahaayeen Al Shabaab sidoo kale dilal geesteen.

Maxkamada ayaana xukuno dil ah ku riday Suceyb C/llaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar, waxaana labadan nin lagu eedeeyay in dilal kala duwan ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Waxa ay sidoo kale Maxkamada xukuno Xabsi daa’in ah ku riday Maxamed Cismaan Axmed oo ahaa wade Mooto Bajaaj laguna eedeeyay in ragan hubka u qaadi jiray iyo sidoo Ismaaciil Maxamed Aweys oo isna lagu helay in uu falal amni daro ka qeyb qaatay.

Labadan nin ayaa xiligii lasoo qabanayay qorsheenayay in ay dilaan gabar qaadka ka ganacsatada, laamaha amaanka ayaana fashiliyay isku dayga ragan doonayay in ay dilaan gabadha ganacsatada aheyd.

Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada qalabka sida ayaana sheegtay in racfaan u furan yahay afartan dhalinyaro ee xukunka lagu riday hadii aysan ku qanacsaneyn xukunka lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -