Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo goordhaw Fowdo isku bedelay iyo Wasiiro …

Waxaa goordhaw foodo iyo buuq uu ka bilawday xarunta KMG ee ku shiraan Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ,kadib markii halkaasi ka furmay shir xasaasi ah ay Xildhibaanada yeelan lahaayeen.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa ka doodista sharciga doorashooyinka iyo shirkii kusoo dhamaaday magaalada Dhuusomareeb, hasa ahaatee kulanka ayaa mar qura buuq iyo fowdo isku bedelay.

Xildhibaano katirsan golaha shacanka ayaa la arkayay iyaga oo fadhiga kasoo kacay kadibna buuq ka bilaabay xarunta golaha shacabka ku shirayeen, xaalada ayaaa mar qura is bedeshay.

Wasiiro katirsan Xukuuada Soomaaliya sidoo kale katirsan Xildhibaanada golaha shacabka  ayaa kamid ahaa xildhibaanada la arkayay ee qeybta ka ahaa buuqa ka bilowday golaha shacabka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

- Advertisement -