Madaxweyne Erdogan oo hanjabaad culus u diray dalalka Midowga Yurub

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in go’aanka Midowga Yurub ay Tukrey cunaqabateyn ugu saareen sababo la xiriira saliidda ay ka qodeyso xeebta Qubrus uu arbushi karo wada-hadalladii u socday labada dhinac.

Erdogan ayaa sidoo kale ka digay in Turkey ay Yurub u diri doonto dagaal-yahanada Daacish ee ay qabatay.

Wasiirada arrimaha dibedda Midowga Yurub ayaa Isniintii isku raacay cunaqabateyn dhaqaale oo la saarayo Ankara, sababo la xiriira inay ku xadgudubtay aagga dhaqaalaha badda Qubrus, oo ay saliid ka qodeyso.

Turkey oo si rasmi ah u sharaxan inay ku biirto Midowga Yurub, inkasta oo xiriirka labada dhinac uu xun yahay, ayaa cambaareysay go’aankaas, waxaana ay sheegtay inaysan joojin doonin saliida ay qodeyso jasiiraddan u kala qeybsan labada, sababtoo ah waxay saliida ka qodeysaa qeybta Turkey ee Qubrus.

Erdogan oo maanta ka hadlayey Ankara, ka hor inta uusan u safrin Washington, ayaa dhalleeceeyey tallabada Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in Turkey ay ku shaqeyneyso si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Jasiiradda Qubrus ayaa waxa ay kala qeybsantay sanaddii 1974-kii kadib markii Turkey ay qabsatay qeyb ka mid ah oo ay degan yihiin dad Turkish ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -