Dhacdooyin taariikhi ah oo laga diiwaan-geliyay Marti galintii Qatar ee Koobka Adduunka

Qatar World Cup 2022?

Koob aduun waa cayaar kubadda cagta ah oo 4tii sanaba mar ka dhacdo aduunka, waxaa la bilaabay ciyaarista koobka adduunka sannadkii 1930-july-13 keedi,

Waxaa leesla gartay sannadka markuu ahaa 1929 kii in sanadka marka uu gaaro 1930-July-13 keeda in cayaaraha dunnida lagu qaban doono Dalka Uruguay, kaas oo ay ka soo qayb gali doonaan 13 dal kuwaas oo aanan soo cayaari doonin wax is reebereeb ah yacni toos ayay u imaan doonan oo sida hada oo kale maaha .

Sannadkaas waxaa koobkaas kor u qaaday oo taariikhda loogu daray inta aan ka xasuus nahay isla dalki marti galiyay ee Uruguay, waliba dalka hadda qaaday 2022 world cup champion ee Argentina ayaa markaas afka ciida loogu rogay.

Wuxuu sunadaas ku socdayba waxaa la soo gaaray heer kale oo casrigaan ah dunnidana ku baraarugtay misna xifaaltan caalami ah ayuu noqday xeerar badan ayaa lagu soo daray kubada cagta taas oo markaste ee qalad dhacaba wax horleh lagu soo dari jiray.

Goorme gacanta reer Galbeedka ka soo baxday ee uu soo gaaray waxa ay ugu yeeraan Dunida 3aad?

Sideedaba waxa marki ugu horeesay lagu qabtay Asia 2002 taas oo ay isla marti galiyeen South Korea iyo Japan, waxay sidaas ahaataba markale ayay gacanta dunida 3aad ku soo laabatay waana 8 sano kadib 2010 kaas oo markaan Africa u soo wareegay walibana lagu qabtay dalka dhaca koonfurta Afrika misna loo garan og yahay South Africa, waxaa aad loogu xasuusta fanaanki soomaaliyeed ee caanka ahaa magaciisuna ahaa Kaynaan Cabdi hees kiisuna ahaaa

When I get older I will be stronger
They’ll call me freedom just like a wavin’ flag
When I get older I will be stronger
They’ll call me freedom just like a wavin’ flag…

Aan uga sii gudbo halka aan karab’e waxaa markale tartan iyo is buurasho ay ku dhaxmartay dowladaha England iyo Qatar ku waas oo midba midka kale kaga riixanayay marti galinta cayaaraha dunida ee 2022 ugu danbeentii waxaa ku calaf qaaday dowlada Qatar taas oo aanan lagu aqoon cayaaraha dunida markii ugu horeesay oo stage ka kubadda lagu arkay waxay ahayd qaadistii ay qaadeen Asian cup February 2019 aan diin kugu sii daree wiilka dhalashada badan ay heestaan reerkiisa waa Akram Afiif’e ayaa qaatay laacibki cayaartaas iyo sanadkaasba.

Aan dib ugu soolabanee ku guulaysiga marti galinta cayaaraha dunida World Cup 2022 Qatar waxay kula colooday dalal badan oo Reer Galbeed ah ku waas oo islama markiiba ku bilaabay daacayado iyo dacwo Kala noqosho dhanka marti galinta ay FIFA u dirsadeen dhamaan gaalo waa u hishiisay waana ka duwan tahay kuwii hore Ee lagu qabtay dunida 3aas sababto ah kuwaas waxay Qatar kaga duwan tahay islaamnimada oo kuwaas qaarad ahaan Asia@Africa Ha iskaga yaalaan Waase dalal masiixiyiin ah.

Halkaas markay marayso maxay Qatar samaysay?

Aan idiin sii raaciye dalkaan yar misna Muslim ka ah wuxuu u guntaday wax kaste haku qaadatee in uu marti galin dunida ay wada mahdiso in uu u sameeyo martida iyo dalalka ka soo qayb galaayo dhacdada ugu wayn kubada cagta, wuxuu Shaqa galiyay cid kaste oo aqoon kubadeed leh sidaas oo kale waxay safiirka u qaabilsan kubada cagta u doorteen halyayga dhanka sportska marka ay timaado ay ku fanaan naadiyada Manchester United iyo Real Madrid waa laacibkii lugta dahabiga lahaa jiilkiise Dived Beckham kaas oo isna si daacadi ay ku jirto uga soo dhalaalay doorkiisa.

Maxaa laga guntay marti galinti dowlada yar Ee islaamiga ah ?

Waxaa laga qoray taariikho aanan laga qorin abid koob aduun , sida soo dhawayntii ixtiraamka iyo isdhul dhigaba lahayd taas oo sababtay in dunida masiixiyiinta aragtida ay ka qabeen iyo beenti horay loogu sheegi jiray wax ka duwan in ay Kala kulmeen bulshada reer Qatar.

Ku darso waxaa geesta kale meesha laga waday dacwada Diinta Islaamka taas oo Allah subxaana qaadirka ah uu ku galadsiiyay dad tiro badan in ay qaataan diinta islaamka misna ku muslimaan, Hadii aan kan ugu magaca dheer dadkaas ka soo qaato waxaa diinteena macaan nasiib u yeeshay in uu soo galo actor ka caalamiga ah ee reer Hallowed kaas oo lagu magacaabo Morgan Freeman iyo qaar kaloo magac ku leh dunida.

Waxaa sido kale aad loola yaaabay sida asluubka leh Ee iskaga difaacday dagaalki xishood la’aan ta ahaa ay isku baheesteen wadamada qaar Ee reer Galbeedka ku waas oo si aanan ganbasha lahayn lasoo shirtagay marada loo asteeyay in ay isku gartaan dadyowga wax iska raadiya taas oo loo yaqaano Qaanso-Roobaad.

Maxay Kala kulmeen dowlada yar Ee islaamka ah ?

Waxay si diblomaasiyad ay ku jirto ay u cuskatay waxa dal kooda iyo diin-tooda ka qabto kaliya in ay ku dhaqmaan taasna waxay u horseeday sharaf iyo karaamo waxayna dhaxalsiisay waa reer Galbeed-kuye sharaf xumo iyo guuldaro, tan ugu wayne waxaa dhabarka u ritay dalka Germany/ jarmalka kaas oo isku dayay wax kabaxsan kubada cagta in uu ka qabto Qatar waase la wada ogaa wiji gabaxi ku dhacay.

Waxaa kaloo meesha ka marneen layaabki iska soo daba dhacaayay taas oo ahayd in dalalki kabiiriinta kubada cagta isku yaqiinay duniduna u taqiinay in jilbaha dhulka loo dhigo, tan ugu wayn oo fajiciso iyo dhulgariir cayaareed lagu suntay waxay ahayd dalka Sacuudiga in uu ka yaabsaday dalka Hada koobka aduunka hantiyay ee Argentina taas oo anfariir ku riday mucjisada kubada cagta yarka lagu magacaabo waa Leo Messi’e, ku darso sidaas si lamid ah waxaa afka ciida u dartay Japan dalka Germany si lamida south korea ayaa garaacday Portugal Hana ka reebin Cameron in ay wadnaha jartay Brazil.

Waxaase intaas oo dhan isku fuuqsaday oo Waxba kama jiraan ka soo qaaday xulka kubada cagta ee Morocco taas oo sbabatay in dadyowga carabta iyo afrikaantuba isku qabsadaane , maxay Morocco kala laabatay ama ay iskaga qortay diiwaanka kubada cagta, aan ku soo koobe horta guruubka ay ku jirtay xisaab ahaan iyada ugu liidatay sababto ah waxay afar ku ahayd 3 dal oo kubada cagta lagu ixtiraamo haday ahaan lahayd Belgium, Croatia,Canada waloow ay xisaabta reer galbeedka ay ku qaldameen markay 3aad xitaa u diideen.

Morocco ayaa guruubkaas kaga yaabsatay sadaxdaas wadan Belgium 3 dhibic ayay ka qaadatay Croatia dhibic ayay ku Kala baxeen Canada 3 dhibic ayay ka qaadatay balse waxaas oo dhan waxaa been ka dhigtay marki ay Spain 16ka ka dirtay Portugal na 8da ka saartay ayaa waxaa dib iskugu laabtay gaalo oo marki horeba xagal daacis ku wadi jirtay Asia &Africa mana ku sii jirto markaa dal Muslim ah tahay.

Maxay ku sameeyeen waaye?

Adigoon is wareerin dib u daawo waxaa laga wada diiday 2 gool ku laad oo toos ah waxaana kaga sii darneed marki kaalinta 3 aad isla sidaas oo kale looga hor joogaaday, Morocco si dad nimo leh ayay u cayaartay taariikh cusubna Afrika waa u soo hoosay iyo dunida islaamka sidaas ayay ku hartay.

Koobki si nabad ah ayay dowlada Qatar ugu soo dhamaatay waloow Argentina qaabka ay u qaaday wali leesku heesto.

Intaas oo wanaag ah marki bulshada reer Qatar dhamaan tood in ay isla qabteen leesla qiro waxaa jira hal shaqsi kaas oo doorkaste sida ay tahay uga soo dhalaalay hadii qiyaano iyo fashilin marki hore loo soo dhigay uu ka soo gudbiyay hadana isla dhacdadii kubada cagta oo lagu gudo jiro ayaa leesku dayay in markale laga qash-qashaado Waase ka dabaashay yaanan idiinku sii daaline shaqsigaas amaanta iyo ducada naga mudan waa Amiirka hogaamiyo dowlada yar ee dhaqaalaha badan laguna magacaabo Amiir Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani.

Aniga oo ka faa’iidesanaayo fursadaan waxaan halkaan mahad celin uga dirayaa Warbaahinta Astaan Tv iyo hool-wadeenadeeda ku waasoo naga haqab tiray cayaarah nuuc yadiisa kala duwan sido kale waxaa si aanan laga sheekeen karin inoogu soo fududeeyeen daawashada cayaarah aduunka 2018iyo 2022 taasoo awal lagu qabi jiray cariiri ama loo aadi jiray meelo fog fog, mahadsanidiin Astaan iyo shaqaalaheeda.

W;Qoray, Wasiir Saciid Cabdi Faarax.

- Advertisement -