Daawo Sawirada: Jubbaland oo lagu wareejiyay lacag loogu tala galay in lagu caawiyo…

Guddiga qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxa ay gaarsiiyeen gargaar lacageed oo ay ugu tala galeen in lagu caawiyo qoysaska ay saameeyeen daadadkii ka dhashay roobabka iyo wabiyada

Wasiirka Arimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo wasiirka Duulista Hawada ayaa lacag 150,000 oo doolar ah waxa uu ku wareejiyay Madaxweyne ku xigeenka Jubaland iyo guddiga gurmadka Fatahaadaha ee Jubaland, isaga oo sheegay in 100,000 oo doolar oo kale loogu shubi doono akoonka ay leeyihiin guddiga gurmarka fatahaada ee Jubaland
Madaxweyne kuxigeenka Jubaland ayaa ka mahadceliyay Deeqda uu gaarsiiyay guddiga qaran ee gurmadka Fatahaadaha, waxa uuna cadeeyay in ay gaarsiin doonaan cidda mudan ee ay tahay in looga faa’iideeyo.
Guddiga qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa sidan oo kale lacago u geeyay magaalooyin ay saameysay Fatahaada ay sameeyeen Wabiyada Shabelle iyo Jubbaland, waxaana wali jirta baahiyo badan ay qabaan dadka ay fatahaadu saameysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -