(Akhriso) Khudbadii Farmaajo ka jeediyey Shirka Kenya ka socda oo dhameystiran

- Advertisement -

Mudane Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Marwada Kowaad

Haybadlayaasha Boqortooyooyinka

Madaxda Dalalka iyo Dowladaha

Martida sharafta leh

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa sharaf weyn ii ah inaan idiinka khudbaynayo munaasabaddan muhiimka ah ee 25-guurada Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka oo ka dhacaya Nayroobi. Waad ku mahadsantahay Madaxweyne Uhuru soo dhaweyntaada diirran iyo martisoorkaaga aad u sameysay aniga iyo wafdiga ila socda. Waxaan garawsanahay, isla markaana dhammaan qabanqaabiyaasha uga mahadcelinayaa dadaalkooda iyo sida ay ugu guulaysteen inay dhammaanteen nagu kulmiyaan ka-qaybgalka shirkan qiimaha leh si loo qiimeeyo halka aan maanta taagannahay iyo halka aan u baahannahay inaan gaarno si aan u xaqiijinno ballamihii aan galnay ee ku aaddanaa sare u qaadidda xuquuqda, bad-qabka iyo horumarka gabdhaheenna iyo haweenkeenna qiimaha badan.

Waxa aan si buuxda ugu qanacsanahay inay waajib tahay in la taageero gabdhaha iyo haweenka si ay door buuxa uga qaataan horumarka bulshadooda ugana dhigaan kuwo dhab ahaan horusocod ah, barwaaqaysan oo waara. Gabdhaha iyo haweenku waa saaxiibbo, qoys iyo muwaaddiniin qof kasta oo aadane ah ka faa’ido waxqabadkoooda. Sidaas awgeed, in la garabsiiyo iyada oo loo marayo sare u qaadidda adeegyada dadweynaha, sinnaanta, caddaaladda iyo in la kordhiyo ka qaybgalkooda bulshada iyo doorkooda siyaasad-dejinta waa arrin dowladdayda ka go’an.

Maanta oo caalamku si xawli ah u magaaloobayo oo ay jiraan sinnaan la’aaan baahsan oo dhanka bulshada iyo dhaqaalaha ah sida adeegyada dadweynaha, waxa asaasi ah inaan aqoonsanno in kow aynaan joogin balse dariiq dheer ina sugayo si aan u hirgelinno barmaamijka ICPD ee looga gol leeyahay in dhammaan dadweynaha si siman loogu faa’ideeyo. Caalamkan isku xiran, cidna cidlo kagama tegi karno. Waa inaan aqbalnaa inay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku aaddan hirgelinta koboc dhaqaale oo loo siman yahay, bixinta adeegyo dadweyne oo la heli karo iyo fursad u abuuridda dhallinyarada adduunka, kuwaasi oo badankoodu ku nool yihiin qaaradda Afrika. Sidaas awgeed, waxa lagama-maarmaan ah inaan si wadajir ah uga shaqayno sidii aan u heli lahayn xalal wadaag ah. Asaasi ahaan, iskaashiga iyo qaybsiga culaysku waa dariiqyada keliya ee aan ku gaari karno horumarka waara ee aan hiigsanayno sannadka 2030.

Soomaaliya waxay leedahay dadweyne da’ yar oo koror ku socdo, isla markaana magaalada xoog u soo gelaya. Marka la tixraaco Qiyaastii Tirakoobkii Dadweyne ee 2014 laga sameeyay Soomaaliya, dadweynaheennu ku dhawaad waa uu saddex jibbaarmay muddo 20 sanno gudahood ah oo ah intii u dhexaysay 1975 ilaa 2014. Tan waxa ku biiraya ilaa 2 milyan oo qurbajoog ah oo caalamka ku firirsan. Mar kasta xisaabta waxaan ku darnaa qurbajoogta Soomaaliyeed maxaa yeelay waxa ay door weyn ka qaateen taageerada qoysaskooda, bulshadooda iyo dalkooda markii ay jireen caqabadihii ugu adkaa ilaa haddana door weyn ayay ka ciyaaraan geeddiga aan ugu jirno gaaritaanka horumarka waara.

Kororka dadweyne ee Soomaaliya waxa uu wataa fursadihiisa iyo caqabadiisa, maadaama 70% dadweynuhu uu da’ ahaan ka yar yahay 30, waxa Soomaaliya ka jirta caqabad dhab ah oo la xiriirta bixinta fursadaha iyo adeegyada dadweyne. Sidaas oo ay tahay, waxa aan garawsannahay baahida loo qabo in si degdeg ah loo taageero dhallinyaradeenna si kororka dadweyne aan uga faa’idaysanno dhanka xasiloonida iyo abuuridda fursado loo siman yahay. Sidaas si lamid ah, dowladdeennu waxay si aan kala joogsi lahayn uga shaqaynaysaa sidii loo xaqiijin lahaa dib u habayn dhanka dhaqaalaha ah si aan u kordhinno ka faa’idaysiga khayraadka gudaha, una kobcinno dhaqaalaha inta uu socdo dadaalka aan ku doonayno dayn cafiska si ay noogu suurtagasho helitaanka maalgelinta hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda, taasi oo keenaysa inaan dardargelinno maalgashiga adeegyada dadweyne, gaar ahaan, waxbarashada, xirfadaha, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo baahi degdeg ah loo qabo.

Dowladda Soomaaliya waxa si dhab ah uga go’an inay hoos u dhigto xaddiga guud ee ummul-raaca dalka in aan ka yarayn 25% sannadka 2030 iyada oo loo marayo tababbaridda iyo shaqaalaysiinta 1,000 ummuliso oo dheeraad ah. Tirada heerkeedu sarreeyo ee dhimashada hooyooyinka Soomaaliya waa mid murugo leh oo raad taban ku reebta hooyooyinka iyo qoysaska. Dowladdeennu waxay si adag uga hawlgashay inay xalka dhibaatadan ku darto Qorshaha Horumarinta Qaranka, waxaana naga go’an inaan qorshahaas raacno annaga oo taageero ka helayna saaxiibbadeenna qaaliga ah. Waxaan si buuxda u aqoonsannahay in helitaanka hooyo caafimaad qabta, gabar waxbaratay iyo adeegyo caafimaad oo baahidooda ka jawaabaya ay ka dhigan tahay bulsho wanaagsan oo barwaaqaysan.

Xadugubka Jinsiga ku Salaysan Soomaaliya waa ka dambi. Si ka duwan sawirka laga haysto, haweenka Soomaaliyeed waa kuwo si dhab ah loo jecel yahay, loo ixtiraamo loona qaddariyo iyada oo loo arko udub-dhexaadka ilbaxnimadeenna iyo jiritaankeenna. Waa laf-dhabarta bulshadeenna iyo jiritaankeenna dadnimo. Xadgudubka ka dhanka ah Gabdhaha iyo Haweenku waa sharci darro iyo foolxumo aan dowladeennu sinnaba ugu dulqaadanayn. Sidaas oo ay tahay, waxaan garawsannahay in shuruucda oo keliya aanay mar kasta ku filnayn wax-ka-qabashada arrintan, sidaas awgeed, dowladdeennu waxay shurako kala duwan kala shaqaynaysaa hirgelinta waxbarasho iyo tababbarro ku saabsan dambinnimada iyo waxyeellada bulsho ee Xadgudubka Jinsiga ku Salaysan taasi oo looga gol leeyahay in dhammaan dadku fahmaan.

Inta aan ku hawlannahay dhammaan dadaallada aan ugu jirno sidii aan mustaqbal wanaagsan ugu abuuri lahayn gabdhaheenna iyo haweenkenna, waa inay innaga go’an tahay inaan xoojinno iskaashiyadeenna si aan u gaarno arrimaha horumarineed ee ahmiyadda inoo leh innaga oo u marayna isweydaarsiga aqoonta, is-dhaafsiga khibradda iyo kaalmaynta dhanka dhaqaale ee dalalka keenna oo kale ah kuwaasi oo ku hawlan geeddiga dib u soo kabashada dhaqaale oo ah arrin caqabaddeeda wadata balse miradhal leh.

Gebagabadii, Soomaaliya waa ay sii wadi doontaa inay si joogto ah uga shaqayso in caafimaadka iyo bad-qabka gabdhaheeda iyo haweenkeeda mudnaan gaar ah lagu siiyo geeddiga horumarka qaran. Gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed waa ku dhawaad kala bar bulshada, mana jiro qaran guulaysan kara iyada oo kala bar muwaaddiniintiisii ugu waxsoosaarka badnaa la hagraday, laga gaabiyay ama la takooray. Sidaas darteed, taageerada gabdhaheenna iyo haweenkeennu waaba qorshaha horumarinta Soomaaliya, waana mid wanaagsan.

Mahadsanidiin dhammaantiin.

DHAMMAAD

- Advertisement -