Tartan dad badan ka yaabiyay oo loo qabtay Haweenka Sacuudiga (Daawo Sawirro)

Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeesay lagu qabtay tartanka baaskiilada dumarka, waxaana tartankan kasoo qeyb galay haween badan oo aad ugu faraxsanaa ka qeyb galka tartankan.

Tartankan baaskiilada ee loo qabtay haweenka Sacuudiga ayaa ka dhacay magaalada Jiddah waxaana kasoo qeyb galay tartankan 47-Dumar ah , waxaana haweenka baaskiilka ka xeenayeen ilaa 10-KM ..

Waxaa tartankaan soo abaabulay koox la magac baxday “noqo qof fir-fircoon” waxaa sidoo kale qabsoomida tartankan gacan weyn ka geesatay Dowalada Sacuudiga, waxaana dad badan layaab ku noqotay tartankan markii ugu horeesay loo qabtay Haweenka Sacuudiga.

Tartankan layaabka leh ee loo qabtay Haweenka Sacuuduga ayaa siyaabo kala duwan looga fal celiyay, waxaana jiray dad badan oo soo dhaweeyay tartankan halka kuwa kala ay dhaleeceeyeen.

” Aniga sheekh diinta ku xeel dheer ma’ihi balse maahan in dumarka ay baaskiil ku dhex wadaan meel shaarac ah oo ay cawradooda u muujiyaan ragga. Haddi ay gabadhu dooneyso in ay baaskiil waddo waa in ay meel aan shaarac ahayn ku waddaa.” Ayuu yiri qof ka argti dhiibtay arintaasi,

Sacuudi Carabiya ayaa 2013kii amar ku bixiyay in aan dumarka loo ogolaanin inay baaskiil ku wadaan goobaha lagu nasto, waxaa sidoo kale dalkaasi ka manuuc ahaa in haweenka wadooyinka ku dhax wataan baaskiil.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa hada waxaa ka socda isbadal xoogan oo meesha looga saarayo dhaqamo badan , waxaana horey dumarka dalkaasi loogu fasaxay in gaadiidka wadan karaa sidoo kale garoonada ciyaaro ka fiirsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -