Allbanaadir.com
NEWS

Dal Afrikaan ah oo Canshuur kusoo rogaya dadka isticmaala baraha bulshada

Dowlada  Uganda ayaa wada qorshe uu canshuur ugu soo rogayo dadka isticmaala baraha bulshada ee kunool dalkaasi , waxaana talaabadan si gaar ah u saameeneysa dadka isticmaala Facebook, Twitter iyo Whtspka.

Wasiirka Dhaqaalaha dalka Uganda Matia Kasaija ayaa sheegay in dowlada wado qorshe a canshuur ugu soo rogeso dadka isicmaala baraha bulshada marka la gaaro bisha july ee sanadkan.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa dhawaan warqad uu u diray Wasiirka Maaliyada  iyo saraakiil kale uga dalbaday in dadka xanta u isticmaala baraha bulshada ay muhiim tahay in canshuur lagu soo rogo.

Talaabadan dowlada Uganda wado aYna ku dooneyso in dadka isticmaala baraha bulshada canshuur ugu soo rogto waxaa canbaareeyay kooxaha u dooda xaquuqda aadaha ee dalkaasi oo sheegay in falkan u muuqdo mid caburin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo jawaab kulul siiyey Somaliland

Caydiid Ali

Askar ku dhimatay Rasaas xalay loo ridayay Dabaal dega xuska 26-ka Juun

Cabdi Cade

Musharaxiinta maka tanaasuleen dibad-baxii ka baaqday Mise waa loo awood sheegtay?

admin
Taboola Ads ---