Allbanaadir.com
NEWS

Maraykanka oo war ka soo saaray duqeyn uu ka geystay gobolka Jubada hoose

Taliska Militariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFricom) ayaa lagu sheegay inay duqayn ka gaysteen dhinaca Waqooyi Galbeed ee magaalada Kismaayo, meel u dhow degaanka Jannaay Cabdalle, maalintii Arbacadii ee la soo dhaafay.

War saxaafadeed uu soo saaray Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa lagu sheegay in duqayntan lagu burburiyey baabuur lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa, kaasoo baa la yiri Alshabaab ay ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka.

Maraykanku ma sheegin qasaaraha rasmiga ah weerarkaasi ka dhashey, hase yeeshee waxay xuseen inay iskaashi la sameeyeen dawladda Soomaaliya si duqayntaasi loo gaysto.

Waa duqyantii 12-aad ee Maraykanku sannadkan ka gaystaan gudaha Soomaaliya taasoo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab

Ciidamada Mareykanka oo saldhigyo qarsoodi ku leh koonfurta Somalia ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah Al-shabaab tan iyo markii uu aqalka cad la wareegay madaxweyne Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Suxufigii ugu horeeyey ee Israeli ah oo booqday Maka & Buurta Carafo

Caydiid Ali

Maxaa sababay guul-darrada Siciid Deni ee doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ?

Cabdi Cade

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeeray Xildhibaan Taliye shub

Caydiid Ali
Taboola Ads ---