Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaano iska casilay Xisbiyada ay kala hogaamiyaan Madaxdii hore ee DF (Akhriso)

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Somalia ayaa iska casilay xubinimadii labada xisbi ee Himilo Qaran iyo UPD ee ay kala hogaamiyaan madaxdii hore ee Somalia.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa qoraal uu u diray hogaanka Xisbiga Himilo Qaran waxaa uu ku sheegay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey guddiga fulinta iyo xubinimadii xisbigaas oo uu hogaamiye u yahay Shariif Shiikh Axmed Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed.

Sidoo kale Xildhibaan Abdifatah Ismaail Dahir ayaa soo saaray qoraal ku saabsan inuu iska casilay xilka gudoomiye ku-xigeenka iyo xubinimada xisbiga UPD ee uu hogaaminyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Ma sheegin labada Xildhibaan oo ka soo wada jeeda gobolada woqooyi sababta ay uga baxeen xisbiyadii ay ka tirsanaayeen, lamana oga ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysay iscasilaadooda iyo waxa isku soo beegay.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA ISCASILAADA LABADA XILDHIBAAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo la sheegay in si Sharci daro ah ku magacaabay Golaha Addeegga Garsoorka (Akhriso)

Cabdi Cade

UK oo go’doon ka noqoneysa caalamka & Virus-ka cusub oo si xowli ugu faafaya

Caydiid Ali

Deni oo taageero u raadsaday dalal colaad u haya Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---