Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Suxufigii ugu horeeyey ee Israeli ah oo booqday Maka & Buurta Carafo

Weriye u dhashay Israel oo lagu magacaabo Gli Tamari ayaa la sheegay inuu si qarsoodi ah ku tegay Nawaaxiga magaalladda Barakaysan ee Maka Almukarama ee dalka Sacuudiga, xilli uu Sharcigu ka mamnuucayo inay dadka aan Muslimka ahayn gudaha u galaan  magaalladdaasi.

Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu soo xigtay Warbixin uu Weriyaha Yuhuudiga ee Gli Tamari ku sheegay inuu yahay Saxafigii ugu horeeyey ee Israeli ah ee war ka soo tebiyey Goobaha Barakaysan ee ku yaalla Sacuudiga,  waa sida uu hadalka u dhigay.

Saxafigu waxa uu sheegay inuu koray Buurta Carafaat, iyadoo dhacdadaasi aad looga hadal hayo Baraha Bulshada ku wada xiriiraan.

Gli Tamari waxa uu hoosta ka xariiqay inay Riyadiisu ahayd inuu mar uun booqdo magaalladda Maka Al-Mukarama.

Waxa uu tilmaamay in Shaqsiga uu kula heshiiyey inuu geeyo magaallada Makah aanu ka war haynin inuu isagu ahaa Saxafi Israeli ah.

Warbixinta iyo Muuqaalka uu Saxafi Gli Tamari soo dhigay Wargeyska Bloomberg  waxa ka muuqday isagoo gaari ku dhex maray magaalladda Makah Al-Mukarama.

Related posts

Dowlada Turkiga oo si weyn loogu dhaleeceeyay Dhaqaalo ay ku taageertay Soomaaliya

Cabdi Cade

Farmaajo oo Masjidka Shuhadada kula tukaday xubno ka tirsan DF? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Qorshe lagu soo qabanayo Sheekh Shaakir oo Socda iyo Masuuliyiin ka shaqeeneysa !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---