Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeeray Xildhibaan Taliye shub

Puntland ayaa u jawaab caro leh ka bixisay hadal ka soo yeeray Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo ka mid ah xildhibanada golaha shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed

Xildhibaan Mahad C/raxmaan ayaa waxaa baraha bushada lagu baahiyey Muuqaal uu ku sheegayo in Al-Shabaab markii hore laga keenay Somaliland, Puntland iyo Galmudug, loona baahan yahay in haddii la eryayo loo eryo degaanada maamuladaas hoos taga.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Puntland, Mudane Cabdiweli Mire Xirsi ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid loogu gefay Puntland, isagoo ku baaqay in golaha shacabka Soomaaliya uu xasaanadda ka qaado Xidlhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan

“Ninkan ma aha mid istaahila ama u aqlma inuu xil ummadeed sii hayo” ayuu yiri Cabdiweli Mire Xirsi oo oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe.

Xildhibaanada golaha shacabka ee ka soo jeeda Puntland, Galmudug iyo Somaliland ayuu ugu baaqay inay arrintan meel sare gaarsiiyaan, si go’aan looga qaato Xildhibaan Mahad C/raxmaan.

Hadalka Taliye shub oo sidoo kale nin ay dadka intiisa badan hadaladiisa ku maadeystaan ayaa qabsaday baraha bulshada 24kii saac ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -