Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay meel ku dhaw Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo la sheegay in Mooto Bajaaj ku shaqeesanayay.

Sida aan wararka ku helnay askariga katirsan ciidanka dowlada iyo wiilka Bajaaj laha ahaa ayaa muran dhax maray, waxaana muran kadib uu askariga rasaas ku furay ninkii ay murmeen halkaasna ku dilay.

Askariga dilka geestay ayaa la sheegay in markii hore baxsaday, waxaana warar kale oo soo baxaya sheegayaan in ciidamada booliiska baadi goob kadib ku guuleesteen in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglaha .

Dilalka ciidamada dowlada magaalada Muqdisho ugu geestaan dhalinyarada mooto bajaajta ku shaqeesata ayaa soo noq noqda, waxaana marar badan la xiray xukuno dil ahna lagu riday askar dil u geestay dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira inuu shaqada iska casilay agaasimihii Madaxtooyada Somalia?

Caydiid Ali

Mareykanka oo cabasho xoogan ka gudbiyay Ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegtay in Ganacsade caan ah lagu dilay Duqeyntii Kuunya Barow

Cabdi Cade
Taboola Ads ---