Al Shabaab oo sheegtay in Ganacsade caan ah lagu dilay Duqeyntii Kuunya Barow

Diyaarad dagaal nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa shalay duqeyn ka fulisay Deegaanka Koonyo Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana duqeyntan kasoo baxaya warar kala duwan.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeynta iska kaashadeen ciidanka dowlada iyo kuwa Mareykanka, waxa ayna dowlada sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay sargaal sare oo katirsan Al Shabaab.

Dhinaca kale Warbaahinta Al Shabaab afkooda ku hadasha ayaa xaqiijiyay duqeynta ka dhacday deegaanka Kuunya Barow, waxa ayna Al Shabaab Warbaahintooda sheegeen in duqeyntaasi aysan khasaaro kasoo gaarin Al Shabaab.

Al Shabaab baraha ay wararka ku faafiyaan ayaa lagu qoray in duqeynta lagu dilay ganacsade caan ka ahaa deegaanka Kuunyo Barow oo magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil , waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ninkan ganacsiyo kala duwan ku lahaa Kuunyo Barow.

Ma jiro ilo madax banaan oo xaqiijiyay ama beeniyay wararkan kala duwan oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya iyo Al Shabaab , dadka deegaanka ayaana inta badan cabsi darteyd uga hadli karin duqeymaha iyo howlgalada ka dhaca deegaanada ay joogaan Al Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ayaa horey gobolka Shabeelaha Hoose uga fuliyay duqeymo badan oo qaarkood lagu dilay hogaamiyaal iyo saraakiil katirsan Al Shabaab, waxaa sidoo kale duqeymahaasi marar badan khasaaro kasoo gaareen dad shacab ah.

- Advertisement -