Dowlada Mareykanka ayaa cabasho xoogan u gudbisay dowlada Shiinaha, waxa ayna kaga cabteen dhibaato ay sheegeen in ay kala kulmayaan ciidamada Shiinaha ee ku sugan saldhig Milatari ee ku leeyihiin dalka Jabuuti.
Mareykanka ayaa sheegay marar kala duwan la shiishay oo shucaac lagu qabtay duuliyeyaashooda marka ay diyaaradaha soo dejinayaan, waxa ayna sheegeen in shucaacaan kaga yimaadeen dhinaca ciidamada Shiinaha ee saldhiga ku leh Jabuuti.
Wasaaradda Difaaca ee dalka Maraykanka ayaa dalka Shiinaha ka codsatay in ay baritaan rasmi ah ku sameeyaan cabashadan ay u gudbiyeen oo dhibaato ku haysa duuliyeyaasha Maraykanka.
Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in labo duuliye oo waday diyaarad xamuul uu dhaawac sahlan ka soo gaaray indhaha, ka dib markii shoocaacaas looga soo shiishay saldhiga Milatari ee Shiinuhu ku leeyahay Jabuuti.
Dalka Shiinaha ayaa sanadkii hore dalka Jabuuti ka furtay Saldhigii Milatari ugu horeeyay ee ka furtaan meel dalkooda ka baxsan, waxaana saldhigan ku sugan ciidamo badan oo Shiineys ah.
Dowlada Mareykanka ayaa sidoo kale dalka Jabuuti ku leh saldhig Milatari ay ka joogaan ciidamo tiro badan, waxaana labada saldhig la sheegay in ay isku jiraan masaafo aan sidaa u kala fogeyn.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com