Gaadiid gargaar u sida Belad-weyne oo saaka ka ambabaxay Gaalkacyo (Sawirro)

Kolonyo Gaadiid gargaar u sida bulshadda ku barakacay fatahaadaha magaalada Balad-weyne ayaa saaka ka dhaqaaqay woqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Waxaa sii sagootiyay Maamulka Puntland gobolka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo, Culimaa’udiin, Haween iyo Dhallinyaro.

Gargaarkan ayaa iskugu jira dhar, cunto, dawooyin iyo waxyaabo kale ayaa guddi ka kooban culimaaudiin iyo dhalinyaro isxilqaamay waxay ka soo ururiyeen shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Gargaar noocan oo ay horey isaga ururiyeen shacabka magaalada Garoowe ayaa gaaray magaalada Belad-weyne oo ay qarqiyeen fatahaado iyo daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah.

Culimaaudiinka gobolka Bari ayaa iyana horey ugu deeqay shacabka Belad-weyne lacag ka badan $160,000 kun oo dollar taasoo ka hartay lacago loo ururiyey abaaro ka dhacay Puntland labo sano ka hor.

Gurmad xoog leh oo ka kala imanaya dalka dibediisa iyo gobolada dalka ayaa ku qulqulaya magaalada Belad-weyne si loo gaarsiiyo kumanaan qoys oo guryahooda ka barakacay, kuwaasoo ay heystaan hoy xumo, cuno la’aan iyo dhibaato kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -