Maxkamad ku taalla Giriiga oo sabab yaab leh xukun ugu riday Shiikh Shariif

Wadaad ku nool gobolka galbeedka Giriigga ee Thrace ayaa lagu xukumay xabsi 80 maalmood ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu dowladda gacan dhaafay oo salaad Jimce dujiyey isagoo aan fasax heysan, taasoo ka yaabisay muslimiin badan oo ku nool caalamka.

Shiikh Sharif Ibrahim waa mufti asal ahaan ka soo jeeda dalka turkiga oo laga doortay magaalada Gümülcine oo ka mid ah 3-da magaalo ee ugu waawayn gobolka Galbeedka Thrace ee Giriigga, halkaasoo ay ku nool yihiin dad asal Turkish ah oo gaaraya 150,000 kun oo ruux.

Shiikh Sharif ayaa Arbacadii sheegay inay dowladdu xukunkiisa u cuskatay inuu ka qayb galay oo dujiyey Salaad Jimce ah Maarso 2016-kii.

Muslimiinta gobolka ayaa Muftiyaasha ugu taga arrimo ay ka mid yihiin dhaxalka, guurka iwm iyagoo dooranayay wadaadadooda, sida uu dhigayay heshiis ay 1913-kii kala saxiixdeen Giriigga iyo Khilaafadii Cusmaaniyiinta, kaasoo lagu daray dastuurka Giriigga.

Balse waxaa la tuuray qodobkaas 1991-kii, markaasoo ay Giriiggu bilaabeen inay iyagu magacaabaan wadaadada, inkastoo aysan taas raacin Muslimiinta Turkiga ah ee ku nool Komotini iyo Xanthi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com