Allbanaadir.com
NEWS

Xisbullah oo gantaallo badan ku garaacday waqooyiga Israa’iil ka dib markii..

Ururka Xisbullah ee ay taageerto Iran ayaa shalay gantaallo badan ku garaacay waqooyiga Israa’iil, kuwaasoo ay ku sheegeen inay aargoosi u ahaayeen duqaymo ay Israa’iil ku xasuuqday dad badan

Ilaa 10 ka mid ah 30 gantaal oo lagu tuuray magaalada Kiryat Shmona ayaa “si guul leh loo qabtay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada difaaca Israa’iil.

Horaantii, ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa lagu dilay ka dib duqaymo xagga cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka qaranka ee dawladda Lubnaan.

Duqeymaha Israel ayaa ku dhacay guri beeraley ah oo ku yaalla magaalada xudduudda ku taal ee Houla, waxaana ku dhintay lamaane iyo wiil ay dhaleen, sida ay sheegtay NNA.

Rabshadaha ayaa calaamad u ah wareeggii ugu dambeeyay ee maalinlaha ah, weerarrada xudduudaha ee dhimashada leh ee Israel iyo Hezbollah kuwaasoo ka barakiciyay tobanaan kun oo Lubnaan iyo Israa’iil deggan guryahooda tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay Gaza.

Waxaa sii kordhaya walaaca ay qabaan saraakiisha Mareykanka oo ku aadan in Israa’iil ay qorsheyneyso duullaan dhanka dhulka ah oo ay ku qaado  Lubnaan, haddii dadaallada diblumaasiyadeed ay ku guuldareystaan ​​in Xisbullah ay ka soo celiyaan xuduudka waqooyiga, sida ay sheegeen saraakiil aqoon u leh sirdoonka.

 

Related posts

Imaamka Al-Azhar Al-Shariif oo digniin adag ka bixiyey diin cusub oo la faafinayo

Caydiid Ali

Saldhig ciidan oo laga qabsaday ciidamada Somaliland iyo Dagaal culus oo ka socda Laascaanood

Cabdi Cade

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Ansixinaya Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---