Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Trump oo lagu ganaaxay labo Milyan oo dollar & sababta uu ku muteystay

Maxkamad ku taalla Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku xukuntay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo doollar ka dib markii lagu helay inuu si khaldan u isticmaalay lacag ay lahayd hey’ad gargaar.

Madaxweyne Trump ayaa la sheegay inuu Lacagta u adeegsaday ololihiisa doorashada ee sanadkii 2016-ka.

Hey’adda Donald J. Trump Foundation oo ah heyad uu leeyahay Trump ayaa la xiray sanadkii 2018, kadib markii xafiiska dacwad oogaha Mareykanka uu ku eedeeyay inay ka shaqeyso danta Madaxweyne Trump.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale amray in hey’addan oo ay madax ka yihiin Madaxweyne Trump iyo saddexdiisa caruur aanan loo adeegsan karin arrimo siyaasadeed.

“Waxaan Trump ku amrayaa inuu bixiyo lacag dhan laba milyan oo doolar, lacagtaasoo haddii ay taali lahayd loo adeegsan lahaa hawlo gargaar, “ayuu yiri garsooraha Maxkamadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Iska horimaad ka dhacay Kontrolka Magaalada Boosaaso iyo Sarkaal lagu dilay

Caydiid Ali

Gaadiid dagaal iyo Ciidamo lagu wareejiyay maamulka Puntland (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliska Booliska oo ka hadlay sababta loo xiray Max’uud Cali Hayste Ramaax

Caydiid Ali