Ciidamada Dowlada oo qabtay gaari waxyaabaha qarxa saarnaayeen iyo ragii watay

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa saarnaayeen iyo ragii watay.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Xuseen Cismaan Muumin ayaa sheegay in Ciidamada amaanka xaafad katirsan magaalada Baladweyne ku qabteen gaari nuuca Candho Meydlaha loo yaqaan ay ka buuxeen biro iyo waxyaabaha qarxa.

Waxa uu sheegay Muumin in afar nin  oo la socday gaariga waxyaabaha qarxa lagu qabtay ay iminka xiran yihiin, waxa uuna tilmaamay in ay socdaan baaritaano lagu sameenayo raga la qabtay.

Xuseen Cismaan Muumin ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxan gaariga laga soo buuxiyay lala damacsanaa in laga fuliyo magaalada Baladweyne, waxa uuna xusay in ay ciidamada amaanka ay feejigan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -