DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland oo xilkii laga qaaday

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo goor dhow kulan deg deg ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baralamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daarood ka dib mooshin laga keenay.

Illaa 49 ka mid ah 53 xildhibaan oo kulanka soo xaadiray ayaa cod gacan tag ah ku ansixiyey in xilka laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daarood, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan.

Guddoomiye Dhooba-daarood ayaa hoolka Baarlamaanka aan ku sugnayn xiliga codaynta xilka qaadistiisa loo samaynayey.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay guddi 7-xubnood ah oo diyaarinaysa doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo dhacaysa 14-ka bishan sida uu sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -