Ciidanka Booliska DF oo ka falceliyey dilkii Afgooye loogu geystay Cumar Carabey

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay illaa saaka howlgalo dad badan lagu soo qab-qabtay ka sameeyey degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Howlgalkan ayaa yimid ka dib markii xalay degmadaas lagu dilay Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey) oo ahaa guddoomiye ku-xigeenkii arrimaha bulshada gobolka Sh/hoose kaasoo u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray bam hoygiisa lagu tuuray.

Ciidamada ayaa howlgalkoodu ahaa mid qorsheysan, waxayna soo qabteen dad ku dhow konton qof oo dhallinyaro u badan, kuwaasoo la geeyey saldhigga Booliska Afgooye si baaritaan loogu sameeyo.

Dhallinyarada ayaa looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab isla markaana ay ku jiraan kuwii ka dambeeyey dilka Cumar Carabey.

Saraakiisha Ciidanka Booliska degmada Afgooye ayaa sheegay in dadka ay qabteen qaarkood ay ku tuhmayaan inay xiriir la leeyihiin kooxda Argagaxisada Al-Shabaab, baaritaanka ka dibna la sii deyn doono kuwa loo arko ineysan dembi laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -