Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Muxuu yahay dhismaha cusub ee uu xarigga ka jaray Madaxweyne Qoorqoor? (Sawirro)

Madaxwaynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xariga kajaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug kadib munaasabad lagu qabtay Wasaaradda.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug, xildhibaano katirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, howlwadeenada wasaaradda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay Munaaasabadan ayaa sheegay Dhismaha Wasaaradan ay qeyb ka tahay mashaariicda maamulkiisu ka wado Galmudug.

“Wasaaraddu waxay udub dhexaad u tahay wasaaradaha Xukuumadda Galmudug. Waxaan u mahadcelineynaa Bangiga aduunka oo hirgeliyay dhismaha wasaaradda iyo wasaarade kale oo muhiimad weyn u leh Dowladda Galmudug” ayuu yiri Qoorqoor

Qoorqoor ayaa ka hadlay muhiimada ay Wasaaradani u leedahay horumarinta Maamulkiisa, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xariga ka jaro, isagoo shacabka galmudug ugu baaqay iney ka shaqeeyaan horumarinya degaanadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xoogaga Al-shabaab oo weeraro culus ku qaaday fariisimo ay leeyihiin ciidamada dowlada

Caydiid Ali

(Sawirro) Cumar Filish oo kormeeray Mid ka mid ah jidadka Muqdisho oo ay ka socotay..

Caydiid Ali

Dadka meydadka ehelkooda kala soo baxaan Qabuuraha Iskool Buluusiya oo shuruud lagu xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---