Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khayre oo baroordiiq 3 cisho ah ku dhawaaqay, Guddina u saaray Aaska Guddoomiye Yariisow

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudan Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka kooban golaha wasiirrada oo ka shaqeynaya aaska guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ku geeriyooday Isbitaal kuyaala magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ku hadlaya magaca Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ayaa ugu horreyn tacsi u diray ehelka uu ka baxay iyo dhammaan ummaadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in madaxweyne Maxamamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu amray in mudda sedax maalin ah calanka dalka hoos loo dhigo si baroor diiq iyo duco loogu sameeyo guddoomiyihii gobolka Banaadir, Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow)

Warbaahinta qarankana ayaa iyana laga joojiyay barnaamijyadii caadiga ahaa lagaba billaabay in Qur’aan laga baahinayo arrintaas oo baroor diiqda qayb ka ah.

Guddiga Qaban-qaabada Aaska Qaran, ayaa ka shaqeynaya aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Isbitaal ku yaala Dooxa ugu geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo fashiliyay dhagar ay maleegayeen kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Ciidamo uu horkacayo Jen. Caanood oo howlgalo ka wada magaalada Marko

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “Weerarka la igu soo qaaday wixii ka yimaada Farmaajo ayaa qaadaya”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---