Daawo Sawirada: Xarunta la dejinayo Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa ka socda diyaar garow loogu jiro soo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlaaanka Galmudug, kuwaa oo iyana soo dooran doona Hogaanka Maamulka Galmudug.

Guddiga farsamada maamul dhisidda iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug ayaa maanta kormeeray xarunta Shiirkole oo la qorsheeyay in la dejiyo Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada cusub ee Galmudug.

Xubnaha guddiga ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Shiirkole gaar ahaan goobaha loo diyaariyay in la dejiyo Odayaasha Dhaqanka beelaha Dega Galmudug ee soo xulaya Baarlamaanka cusub.

Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug ayaa sheegay in meel fiican marayaan shaqada loo igmaday guddiga, waxa ayna tilmaameen in dhawaan lasoo xuli doono Xildhibaanada cusub ee Galmudug.

Soo xulista Xildhibaanada cusub ee Galmudug ayaa marar badan dib u dhac ku yimid, waxaana guddiga Doorashada loo xil saaray la filayaa in dhawaan soo saaraan habraaca Doorashada iyo soo xulista Xildhibaanada cusub ee Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -