Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Marxuum Maxamed Qanyare oo saakay lagu aasayo Dayniile iyo Masuuliyiin..

Waxaa saakay lagu wadaa in degmada Dayniile ee gobolka Banaadir qabuuro kuyaala lagu aaso Allaha u naxariistee Meydka Marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Guddi isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa loo saaray qaban qaabada aaska Marxuum Maxamed Qanyare oo saakay lagu aasayo qabuuro kuyaala aagii uu degmada Dayniile ka degnaa.

Masuuliyiin kala duwan ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan janaasada iyo aaska Marxuumka, waxaa sidoo kale aaska ka qeyb galaya dadweyne aad u badan oo meelo kala duwan ka yimid.

Amaanka goobta uu aaska ka dhacayo iyo guud ahaan degmada Dayniile ayaa saakay ilaa xalay aad loo adkeeyay, waxaana la geeyay ciidamo badan oo booliiska oo xaqiijinaya amaanka inta uu aasku socdo.

Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ayaxa dayuurad ku qasbay iney ka laabato garoon ay ku degi laheyd (Sawirro)

Caydiid Ali

Dibad bax looga soo horjeeday Wariye dowlada u xiran oo ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Shiikh caan ah oo goor dhow lagu dilay duleedka Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---