Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo la shiray Wasiirada Jubbaland (Muxuu kala hadlay)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiiradda oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ayaa soo ka warbixisay qabsoomida shirweynahii Golaha maareynta iyo horumarinta Kalluumeysiga qaranka ee ka dhacay magaalada Kismayo.

Wasaaradda Isgaarsiinta, Boostada iyo Tiknoolajiyada Dowladda Jubaland ayaa ka warbixisay Mashruuca isku xirka Dhijitaalka ee Bariga Afrika ee loo yaqaano (EA-RDIP).

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ayaa golaha la wadaagtay xogta mashruuca wajiga saddexaad ee Barnaamijka Qandaraaska Adeeg bixinta Biyaha oo ay wado Wasaaradda.

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland ayaa sidoo kale Golaha looga dhageystay warbixinta arrimaha Doorashada Ururka Kubada Cagta iyo Tartankii Ciyaaraha ee Dugsiyada Degmada Kismaayo.

Related posts

Dowlada oo kordhisay cadaadiska ay ku heyso shacabka magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Gudoomiye Mursal oo caawa la kulmay hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo Arrin muhiim ah kala hadlay Bulshada Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---