Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo Amakaag ku noqotay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Feysal Waraabe (Daawo Muuqaal)

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeesay ka hadlay shirkii looga hadlayay arimaha Soomaaliya ee ka dhacay dalka Biljamka iyo kulan dhax maray Madaxweyne Farmaajo iyo Feysal Cali Waraabe.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland wax shaqo ah aysan ku laheyn shirkii lagu qabtay magaalada Brusless, waxa uuna sheegay in shirkaasi quseeyay Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada hoos taga.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalilad ayaa sheegay in amakaag ku noqotay kulankii magaalada Brusless ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Hogaamiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe.

”Gudoomiyihii Xisbiga UCID ayaa tagay Bruesless maanan ogeyn mana nagala tashan , waana arin u baahan in dib la isaga arko, amakaag ayey nagu noqotay kulankaas, xataa maanaan ogeyn in uu baxay isaga oo Farmaajo la jooga aragnay dee amakaag bey nagu noqotay” Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Hadalkan Muuse Biixi ayaa kusoo aadaya xili magaalada Brusless kulan gaar ah bku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, Feysal Cali Waraabe iyo Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr.

          Halkan ka Daawo Hadalka Madaxweyne Muuse Biixi

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Uhuru Kenyata oo Masjidka Nairobi kula afuray Muslimiin fara badan (Sawirro)

Caydiid Ali

Weeraro gaadiid loo adeegsaday oo ka dhacay magaalo ku taalla Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Goob laga qodi jiray Macdanta oo si lama filaan ah isugu bedeshay Goob Dalxiis (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---