Qarax xeelad cusub loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho & Khasaare ka dhashay

Suuqa Siinaay oo ku yaalla degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goor dhow ka dhacay Qarax khasaare khasaare nafeed geystay.

Qaraxan oo loo adeegsaday xeelad cusub oo ka duwan kuwii hore ayaa la sheegay inuu  Miino lagu soo hoos qariyay Gaari gacan oo ka dib la soo dhigay goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada hoose ee canshuuraha ka ururiya Suuqyada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in saddex askari oo ka tirsan Ciidanka dowlada hoose ay ku dhaawacmeen qaraxan oo ka dhacay qeybta khudaarta ee Suuqa Siinaay.

Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxayna halkaas ka sameeyeen howlgal, iyagoo xiray goobta ay wax ka dhaceen.

Xaalada suuqa hadda caadi ku soo laabatay ka dib markii ay ka baxeen ciidamadii soo gaaray qaraxa ka dib.

Al-shabaab oo la aaminsan yahay iney ka dambeyso qaraxan ayaa mar kasta la soo baxa xeelado cusub oo ay u adeegsadaan weerarada ay fuliyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -