Akhriso : Tirada Xildhibaanada cusub ee Galmudug iyo Sida beelaha u qeybsanayaan

Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug lagu soo dhiso Baarlamaan cusub uu yeelanayo maamulka halkaasi ka jira, waxaana Baarlamaanka isna sii dooran doonaan Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Guddiga Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka ayaa hada wada habraaca soo xulista Xildhibaanada cusub ee Galmudug iyo sidii loo soo saari lahaa jadwalka Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89-Xildhibaan ayaa lagu qeybsadaa qaab qabiil, waxaana Baarlamaanka qeybsada 11-qabiil oo wada dega deegaanada uu maamulkaasi ka kooban yahay sida horey loogu heshiiyay.

Tirada Xildhibaanada ugu badan ee Galmudug waxaa qaadanaya Beesha Habar gidir oo iyadu isku qeybisay 5-Qabiil oo kala ah :Saleebaan , Ceyr, Sacad , Saruur iyo Duduble , waxa ayna Baarlamaanka ka helayaan 32-Xildhibaan Baarlamanaka ka kooban 89-ka.

Beelaha kale ee Dega Galmudug sida Mareexaan ,Murusade iyo Dir ayaa iyaga laga dhigay hal hal qabiil loomana kala saar saarin sida beesha Habar Gidir, waxaana halkaasi ka muuqata in nidaam ka duwan kan federaalka wax loogu qeybsanayo Galmudug.

Hadaba Halkan ka Akhriso Sida Beelaha Dega Galmudug u qeybsanayaan Xildhibaanada

1-Habar Gidir oo ka kooban 5-qabiil ayaa leh 33 Xildhibaan ay usii kala qeyb sadeen sida Tan:

Duduble 8-Xildhibaan , Saleebaan 7- Xildhibaan, Ceyr 6-Xildhibaan, Sacad 6-Xildhibaan iyo Saruur 6-Xildhibaan

2-Mareexaan 16-Xildhibaan

3-Murusade 12-Xildhibaan

4-Waceysle Abgaal 8-Xildhibaan

5-Dir 8-Xildhibaan

6-Sheekhaal 5-Xildhibaan

7-Beesha Shanaad 5-Xildhibaan

Waxaa sidoo kale min Hal Xildhibaan la siiyay Beelaha Xaskul Hawiye iyo Wadalaan oon iyagu lagu darin 11-ka Qabiil waa weyn ee dega deegaanada maamul goboleedka Galmudug, waxaana Xildhibaanadan sidan loogu qeyb saday magaalada Cadaado.

Hada ma muuqato wax isabadl ah oo lagu sameenayo habka markii hore lagu saleeyay qeybsiga Xildhibaanada uu yeelanayo Baarlamaanka Galmudug, waxaana muuqaneysa in tiradii hore iyo nidaamkii hore mar kale lagu qeybinayo Baarlamanaka cusub ee Galmudug.

Dhismihii hore ee Galmudug ayaa laga soo maray dhibaato badan, waxaana beelo badan xaq aysan laheyn loo siiyay sidii ay u ogolaan lahaayeen dhismaha maamulkaasi, waxaana hada laga cabsi qabaa hadii la saxo qaladaadkii hore in mar kale hada buuq yimaado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -