Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka G/Hiiraan oo soo saaray amar lagu hakinayo doorasho beri loo balansanaa (Sababta)

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo saaray amarĀ  dib loogu dhigayo doorashada dhowr ka tirsan kuraasta golaha shacabka oo horey loo shaaciyey in beri lagu qabanayo magaalada Baladweyne.

“Ayadoo laga Duulayo xaqiijinta amniga iyo habsami u socdoka Doorashada Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ahna Gudoomiyaha gudiga amniga gobalka hiiraan waxuu hakiyey Doorashadii berito inta laga xaqiijinayo Xasiloonida iyo habsami usocodka Doorashada” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan oo uu ku saxiixnaa Gudoomiye Cali Jeyte.

Lama oga in in arrintan ay salka ku heyso khilaaf ka dhashay doorashada, waxayna dad badan isweydiinayaan sida maamul gobol uu joojin karo doorasho iyadoo ay joogaan guddiyadii doorashada maamulayey

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

https://www.youtube.com/watch?v=UuEC3vd-XYc

Related posts

Mareykanka oo loogu baaqay in Cunaqabateyn kusoo rogo Maxamed Bin Salman

Cabdi Cade

Mike Nithavrianaki oo safar shaqo ku tagay Hargeysa lana kulmay Madaxweyne Biixi (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo amaan badan huwiyay Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---