Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo Su’aal galiyay cida xiligan dalka Xukunta !!

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed hadana ah Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo shalay Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa isweediiyay xiligan cida dalka xukunta .

Sheekh Shariif ayaa su’aal galiyay cida dalka xukunta, isagoona xusay in waxii dhacaba la oranayo Madaxweynaha ma oga, waxa uuna tilmaamay in iyagu la xisaabtamayaan Madaxweyne balse aysan shaqo ku laheyn dadka kale ee hoosta laga sheegayo.

”Dalka horta isaga yaa xukuma , waxii dhaca waxaa lagu leeyahay Madaxweynuhu ma oga, Madaxweyne Xasan Sheekhoy yaad dalka ku wareejisay? Madaxweyne, anaga waxaan la xisaabtameynaa Madaxweyne, dadkan kale ee hoos laga sheegayo shaqo kuma lihin,” ayuu yiri Sheekh Shariif isaga oo qoslaya.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa u muuqda mid uu ku durayo hab maamulka  Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, waxaana dadka siyaasada taxliila ay muujiyeen in hadalka Shariif u muuqda mid meesha ka saaraya in talada dalka ay kasoo go’do Farmaajo.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kordhiyay dhaleeceynta Madaxda dowlada federaalka, waxa ayna labadan Hogaamiye sameeyeen isbaheysi cusub oo mucaarad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -