Wasiir Yair Lapid oo booqasho taariikhi ah ku tagay Imaaraadka Carabta (Sawirro)

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid, ayaa booqasho labo maalmood ah ku jooga dalka isu tagga imaaraadka carabta.

Booqashadiisa ayaa loo arkaa mid taariikhi u ah dalkiisa iyo guud ahaan dunida carabta.

Israa’iil ayaa Sagaal bilood ka hor,  Imaaraadka iyo Baxreyn la gashay heshiis taariikhi ah. Ujeedada booqashadan ayaa loo arkaa mid soo celineysa xiriirka labada dal.

Lapid ayaa noqonaya wasiirkii ugu horreeyay ee booqasho rasmi ah ku taga dalka Imaaraadka Carabta, heshiiskaasi kadib.

Inta uu ku guda jiro booqashadan, ayaa Mr Lapid waxa uu kulan la yeelan doonaa dhiggiisa Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.

Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, ayaa muhiimad gaar ah leh, balse sidoo kale waxa ay calaamad u tahay xiriirkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee dhexmara labada dhinac, tan iyo wixii ka danbeeyay isku dhacyadii Qaza ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiin bishii May.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -