Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Dacwad culus oo lagu soo oogay Xildhibaankii ka careesiiyay Madaxweyne Deni !!

Xeer ilaalinta maamulka Puntland ayaa dacwad culus oo xasaanad ka qaadis iyo dacwad kusoo oogid ka gudbiyay Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo dhawaan su’aalo ka careesiyay Madaxweynaha Puntland ku dhax weediiyay xarunta golaha Wakiilada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa la sheegay in xeer ilaalinta Puntland ka dalbaday in dacwad ciqaab ah kusoo oogaan Xildhibaanka su’aalaha ka careesiiyay ku dhax weediiyay xarunta Golaha Wakiilada.

Xeer ilaalinta Puntland ayaa warqad ay kaga codsanayaan in xasaanada laga qaado si dacwad  loogu soo oogo Xildhibaan Cawil Daad waxa ay u gudbiyeen Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.

Lama oga in Gudoonka Baarlamaanka Puntland xasaanada ka qaadi doonaan Xildhibaan Cawil Daad, waxaana hadii Xildhibaankan xasaanada laga qaado meesha ka bixi kara awooda iyo la xisaabtanka Xildhibaanada ee Xukuumada Deni.

Halkan ka AKhriso Dacwada Xildhibaanka laga gudbiyay

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo War cusub ka soo saartay xayiraadii saarneyd Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo booqashidii ugu horeysay ku tegay Addis ababa, lana kulmay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Mustaf Dhuxulow: “Farmaajo & Fahad Yaasiin waxay go’aansadeen inay sharciga ku tuntaan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---