Kenya oo sheegtay in Al Shabaab dileen xubno iyaga katirsanaa oo Xabsi ku jiray

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday  xarun boolis oo ku taala koonfurta magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Ciidamada booliiska Kenya ee ku sugnaa xarunta booliis ayaa la sheegay in halkaasi isaga carareen kadib dagaal daqiiqado badan socday, waxaana xarunta la wareegay dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiisha deegaanka la weeraray ayaa sheegay in Al Shabaab dab qabadsiiyeen xarunta booliis ay weerarka kusoo qaadeen, waxa ayna tilmaameen in dabkaasi ku dhinteen labo xubnood oo Al Shabaab katirsanaa kuna xirnaa xaruntaasi.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen xarunta booliis uga dhaawacmeen labo sargaal oo booliiska katirsanaa iyo hal ruux kale oo isna kamid ahaa keydka booliiska.

Saraakiisha Wajeer ayaa sheegay in Al Shabaab weerarka ay soo qaadeen uu ahaa mid xoog badan ayna ku doonayeen in ay ku furtaan maxaabiista xaruntaasi ku xirneyd si aan looga helin xogo iyaga ku saabsan hasa ahaatee ku dhinteen dabka saldhiga la qabadsiiyay.

Al Shabaab ayaanan ka hadlin warkan kasoo baxay dowlada Kenya ee ku aadan in  iyagu dileen maxaabiis ka xirneyd, mana jiro ilo ka madax banaan saraakiisha Kenya oo warkan Warbaahinta u xaqiijiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -