Mustaf Dhuxulow: “Farmaajo & Fahad Yaasiin waxay go’aansadeen inay sharciga ku tuntaan”

Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa si kulul uga xaflad lagu taageerayay musharaxnimadiisa oo ciidamada dowladda ay hor istaageen maanta.

Waxaa uu sheegay in xafladiisa joojinteeda ay ka dambeeyeen madaxda sare ee dowlada.

“Waxaa si kutalagal ah Kulanka u joojisay Hay’adda NISA, Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxayna go’aansadaan inay sharciga ku tuntaan, waxaa cad inaysan ogoleyn in dalka doorasho ka dhacdo oo ay si kaligii talisnimo ah ku haystaan, Waxaa muuqata qorshe lagula dagaalamayo Musharaxiinta” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo intaasi ku daray in dalkan aan lagu aamini karin Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay talo ka yeeshaan dalka.. Waxaa cad in Farmaajo iyo Fahad rabaan kelitalisnimo dalka halis gelin karta, kana soo horejeeda dimoqraadiyadda” ayuu yiri Musharax Mustaf Dhuxulow.

Waxaa uu ka digay in dalka dib loogu celiyo dhibaatooyinkii uu soo maray, loona baahan yahay in la badbaadiyo, isagoo falka isaga lagula kacay uu yahay mid khilaafsan dastuurka iyo qawaaniinta kale ee dalka oo buu yiri damaanad qaadaya xoriyada hadalka iyo in musharaxiintu ay si amaan ah u sameysan ololahooda doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

- Advertisement -