Dowlada Somalia oo War cusub ka soo saartay xayiraadii saarneyd Magaalada Kismaayo

Illaa Dhowr diyaaradood ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoo duulimaadyadii Muqdisho iyo Kismaayo ay dib u bilowdeen.

Isbedelkan ayaa yimid ka dib markii Muddo shan cisho ay hakad ku jireen duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii dowladda Federaalka ay xayiraad ku soo rogtay, si ay u carqaldeyso caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay arintan ayaa sheegtay iney si rasmi ah u fasaxday duulimaadyada rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ahna ku simaha wasiirka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladu go’aansatay iney fasaxdo duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo ka dib codsi uga yimid shacabka Soomaaliyeed.

Xayiraadan ayaa sababtay in dib loo dhigo caleemo saarkii Axmed Madoobe oo 26kii bishan lagu waday inuu ka dhaco Magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale uu saameyn adag ku yeeshay shacabka u kala goosha magaalada Kismaayo, qeybaha kale ee dalka iyo dalalka deriska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -